MIISAANKA CAMALKU WAA NIYADDA

 XADIISKA MAANTA : 


MIISAANKA CAMALKU WAA NIYADDA

Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu'miniinta Cumar ibn al-Khaddaab, Allaha ka Raalli Noqdee: inuu yiri, waxaan maqlay   Nebiga (s.c.w.) oo leh:

Camalku waxaa saldhig u ah niyadda,

qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa,

marka qofki  u hijrooday llaahay dartii iyo

Rasuulkiisa wuxuu helayaa ajar llaahay.

Qofkii u hijrooda inuu adduunyo helo ama

gabar uu rabo guurkeeda darteed, isna waxaa lagu abaalmarinayaa niyadiisa oo llaahay ka sugi maayo abaalgud".

Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.


Ciirsi MEDIA 


SHARAXA : 


Niyadda waxaa looga jeedaa marka qofku shaqo qabanayo, wuxuu ula ieedo ama u qasadi leeyahay, marka niyaddu waa saldhigga camalka qofka muslirnka ah, waana miisaanka camalka lagu qiyaaso, marka haddii niyaddu saafi tahay oo lilaahi loola jeedo, rasuulkii Allana howshaa lagu raad raacayo, camalkii waa ansaxay, haddiise wax kale lag u dheeho, ama aan rasuulkii lagu raad raaceyn, camalkii waa buraya . 


Hijradu waxay ahayd in markii gaaladu haysatay Makka laga tago oo lagu biiro xarunta lslaamka ee Mediina, taana waxaa loola ieeday in qofku ka guuro meesha aannu ku haysan inuu ugu dhaqmo Diinta lslaamka si xurriyad ah .


#CIIRSI_MEDIA

Comments