Posts

MIISAANKA CAMALKU WAA NIYADDA

 XADIISKA MAANTA :  MIISAANKA CAMALKU WAA NIYADDA Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu'miniinta Cumar ibn al-Khaddaab, Allaha ka Raalli Noqdee: inuu yiri, waxaan maqlay   Nebiga (s.c.w.) oo leh: Camalku waxaa saldhig u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa, marka qofki  u hijrooday llaahay dartii iyo Rasuulkiisa wuxuu helayaa ajar llaahay. Qofkii u hijrooda inuu adduunyo helo ama gabar uu rabo guurkeeda darteed, isna waxaa lagu abaalmarinayaa niyadiisa oo llaahay ka sugi maayo abaalgud". Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim. Ciirsi MEDIA  SHARAXA :  Niyadda waxaa looga jeedaa marka qofku shaqo qabanayo, wuxuu ula ieedo ama u qasadi leeyahay, marka niyaddu waa saldhigga camalka qofka muslirnka ah, waana miisaanka camalka lagu qiyaaso, marka haddii niyaddu saafi tahay oo lilaahi loola jeedo, rasuulkii Allana howshaa lagu raad raacayo, camalkii waa ansaxay, haddiise wax kale lag u dheeho, ama aan rasuulkii lagu raad raaceyn, camalkii waa buraya ....

Rasuulka Allah (scw) sida laga weriyay

 Rasuulka Allah (scw) sida laga weriyay waxa uu arkay nin garaacaya shaqaalihiisa oo la odhan jiray Aba- mascuud. Ka dibna Rasuulka (scw) ayaa ku yidhi “Waxaad ogataa abu- Mascuudow awoodda Ilaahay inay ka badan tahay awoodaada”.  Waxa kale oo Rasuulku (scw) xadiis ku yidhi “ Ninka wax la cuna shaqaalihiisa ee dameerkiisa ku fuula suuqyada dhexdooda, neefkiisa adhiga ahna maala ismuu kibrinin, ismana weynayn” Waxa weriya Imaam Muslim.  Xadiis Al Qudsi wuxu Rasuulka Allah (scw) ku yidhi  “sadddex qof anigaa la doodaya maalinta Qiyaamaha waxaana ka mid ah nin kiraystay qof shaqaale ah shaqadiina ka dhamaystay oo aan mushqaayadiisana siin”.   Werin : (Imam Bukhaari)