MIISAANKA CAMALKU WAA NIYADDA
XADIISKA MAANTA : MIISAANKA CAMALKU WAA NIYADDA Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu'miniinta Cumar ibn al-Khaddaab, Allaha ka Raalli Noqdee: inuu yiri, waxaan maqlay Nebiga (s.c.w.) oo leh: Camalku waxaa saldhig u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa, marka qofki u hijrooday llaahay dartii iyo Rasuulkiisa wuxuu helayaa ajar llaahay. Qofkii u hijrooda inuu adduunyo helo ama gabar uu rabo guurkeeda darteed, isna waxaa lagu abaalmarinayaa niyadiisa oo llaahay ka sugi maayo abaalgud". Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim. Ciirsi MEDIA SHARAXA : Niyadda waxaa looga jeedaa marka qofku shaqo qabanayo, wuxuu ula ieedo ama u qasadi leeyahay, marka niyaddu waa saldhigga camalka qofka muslirnka ah, waana miisaanka camalka lagu qiyaaso, marka haddii niyaddu saafi tahay oo lilaahi loola jeedo, rasuulkii Allana howshaa lagu raad raacayo, camalkii waa ansaxay, haddiise wax kale lag u dheeho, ama aan rasuulkii lagu raad raaceyn, camalkii waa buraya ....